Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Hargeysa Yarey 12 KM u jira degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubno ka tiranaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin tirada la dilay.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this