Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: NISA oo caawa soo bandhigtay fanaanka Al-Shabaabka ah ee la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa shalay si gaar ah u baahisay xogta ku saabsan in la qabtay fanaankan ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu sidaas qirtay.

NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”.

Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka  maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

Halkan ka Daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this