Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo jawaab ka bixisay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay haystaan ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Agaasimada madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada hooyo Amran.

“Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.” Ayuu yiri Cabdinuur.

Waxa uu sheegay in sida wax u jiraan iyo sida wax loo tebinayo “ay kala fog yihiin,” sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.”

“Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.” Ayuu yiri.

Cabdinuur ayaa sheegay in qoyska Amran uu u xaqiijiyay inay caddaaladda ku garab istaagayaan,  ayada iyo qof kasta oo dhibbane ah, loona baahanyahay inaan laga hordhicin baaritaannada haatan socda, sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this