Deeq A. Posted January 17, 2020 Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Maamulka Galmudug. 7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow. Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faadumo Cabdi Cali. Hoos ka daawo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Share this post Link to post Share on other sites