Sign in to follow this  
Maaddeey

Xagjirnimo aan JAABIR(rc) loo hayn

Recommended Posts

Maaddeey   

Xag-jirnimada diinta waqti walba waa jirtaa, waxayna badan tahay markii mad-madow yimaado, Waqtigii Saxaabada (rc) ayay bilaabatay, si wanaagsan oo xikmad & cilmi ka buuxdo ayayse ku daweyn jireen.

 

Waxaa jira tusaalooyin Ibnu Cumar & Ibnu Cabbaas (rc) ay si yaab leh dad dhunsan xaqqa ugu soo celiyeen, haddase waxaan rabaa inaad ila aragtaan sheekadan dhex martay Jaabir-bin-Abdullaahi (rc) & Taabici wayn oo la yaraahdo YAZEED AL-FAQEER, sidan ayayna u dhacday, waxana ka sheekeynaya taabiciga Yazeed ah:

 

'Waxaan caashaqsanaa ra'yiga khawaarijta, waxaan soo aadnay XAJka innagoo fara badan, oon rabnay inaan soo xajinno kadibna aan dadka ku baxno 'la dagaallanno', waxaan soo marnay Madiina, waxaan ku aragnay Jaabir binu Cabdullaahi oo rasuulkii (cs) ka sheekeynaya, wuxuu sheegayey dad jahannama laga soo saari doono, waxaan ku iri: 'Rasuulkii saxiibkiisoow, waa maxay waxaad sheegeysaahi, sow Alle ma dhihin: 'waxay rabaan iney ka baxaan (naarta), mana aha kuwo ka bixi doona, waxayna leeyihiin cadaab daa'imaya' maidah 37, markaan sidaa iri ayaa raggii la joogay igu qayliyeen, Jaabir baase iga celiyey oo yiri u kaadiya, wuxuu i yiri: 'Quraanka ma akhisay?' 'haah, oo waan dhameeyey' baan ugu jawaabay, 'aayadda ka horreysa akhri, waa gaalada waxa laga hadlayaa oon naarta ka soo baxaynin' intaa markuu noo sheegay ayaan isku laabannay, mabda'iina ka laabanay hal nin maahane'.

 

Qisadaa waxay noo sheegeysaa, dadkaa cibaado doon iney ahaayeen oo qur'aanka xafidsan, laakiin mas'aladu ka wareersaneyd, Culimaduna tahay kuwa la rabo mar walba iney mabaadii'daa qaldan saxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this