Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee gobolada koonfureed iyo kuwa woqoyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano;

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”.

Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this