Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Furay Shirka Wasaaradaha Maaliyadda DFS Iyo Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goor dhow wuxuu magaalada Kismaayo ka furay shirka wasaaradaha maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo sidoo kale wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan inta uu socdo diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, maareynta maaliyadda dadweynaha iyo sidoo kale arrimo ku aaddan nidaamka deyn cafinta.

Axmed Madoobe ayaa khudbaddii uu ka jeediyey shirkan kaga hadlay muhiimadda deyn cafinta Soomaaliya iyo sidoo kale arrimo la xiriira maaliyadda guud ee dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this