Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la dhex-dhexaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi dhex-dhexaadinayay xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa go’aamiyay in gebi ahaanba la kala diro guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo muran xooggan ka dhex aloosay xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada mucaaradka ah.

Guddiga ayaa sheegay, in habka keliya ee lagu xallin karo muranka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaaradka, ay tahay in la kala diro dhammaan xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland, islamarkaana dib loo soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, oo dhankooda bayaan midaysan soo saaray, ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta ee ah; in la kala diro dhammaan guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo sal u ahaa muranka xukuumadda iyo mucaaradka.

Hoos ka daawo xisbiyada mucaaradka

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ku hadlay Afka xisbiga Kulmiye, ayaa isna shaaciyay in xisbigiisa muxaafidka ah uu aqbalay go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta.

Halkaan ka daawo Xisbiga muxaafidka ah

PUNTLAND POST

The post Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la dhex-dhexaadiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this