Sign in to follow this  
Ismahaan

Mum somaliyeed- needs all the help she can get.

Recommended Posts

Ismahaan   

Sanaddi 2008 bishii december ayaa waxaa gabadh yari ay ka soo luntay magaalada bender bayla ee Gobolka Bari halkaas oo laga waayey gebi ahaanba gabadhaasi yar oo da,deeda lagu sheegay 3 sanno Waxaana hooyadeed oo nasoo booqatay ay sheegtay Magaceeda oo la yiraahdo Fartuun Cismaan aadan.

Hooyo xaliimo cismaan bille ayaa waxay sheegtay in ay gabadheeda wayday Goor barqa ah kadib markii ay banaanka uga baxday gurigii ay degaynd oo ku yaala magaaladaasi bayla ee gobolkasi, iyadoona bilowday raadinta gabadhaasi yar kadibna loogu sheegay in la geeyey bosaso kadib laga kaxaystay oo la geeyey magaalada burco ee somaliland sidda ay hooyadaan noo xaqiijiyeysay.

 

Dhegayso: Codka hooyadda dacwoonaysa.

 

Xaliimo cismaan waxay sheegtay in ay gabadheeda la baxsatay naag oromo ah ayadoo dooneysa iney iibsato, Taas ku haystay magaalada burco ee somaliland kadibna ay ogaatay, isla markaasna ay tagtay Magaaladsi burco ayadoo markaa u dacwootay somaliland maamulka halkaasi ka jira.

 

Hooyo Xalima waxay inoo sheegtay in lagu xujeyey in lagu xujeeyay ineey Gabadheedi ka dhex aqooto gabdho farabadan oo qarkood la da'a ah, ayan markaa ka soo dhex bixiso gabadheeda.

 

Kadib markii la ogaataday arintaan ayaa waxaa amar lagu siiyey in ay hooyadu u yeedho waalidkeed abaheed iyo ehelkeeda kadibna markii ay yimaadeen magaalada burco oo ay garteen in ay tahay gabadhan yari ilmahoodi ayaa gabi aahnba loo diiday.

 

Cuqaal kala duwan oo loo saaray arintaan iyo Xukunkii Maxakamada islaamiga magaaladaasi ayaa waxaa ka horyimid oo diiday Maamulka Somaliland ee magaaladasi.

 

CUQAASHA.

 

1. Caaqil Baashi Cabdulaahi ibraahim.

 

2. Caaqil nuur xaaji cabdulaahi axmed.

 

3. Caaqil cali ciise aadan.

 

4. Caaqil aadan ismaaciil xuseen.

 

5. Caaqil aadan Maxamed naalaye.

 

6. Caaqil Cali suldaan rooble.

 

7. Caaqil bile caamir ducaale.

 

hooyo xaliimo waxay intaasi ku dartay in gabadhii yareed ay haatan hayaan maamulka burco gaar ahaan badha saabka Deegaankaas oo isagu hadda Gacnta ku haya gabadhaas,waxayna Hooyadan dhibanaha codsaneysaa in waxgaradka,ismida iyo dhamaan umada Somaliyeedba in ay gacan ka geystaan sidii dib loogu soo celin laha ailmaas yar ee lala baxsaday dabeedna la ibsaday, sidoo kale waxay Hooyo Xaliimo ugu baaqeysaa Hay'adaha Xuquuqul Insaanka in ay wax kala qabtaan ilaheeda ee xooga looga hayso, gaar ahaan kuwa ka howl gala Gudaha Somalia.

 

Hooyo Xaliimo waxey kaloo codsi u jeedineysaa Maamulka iyo waxgaradka Somaliland in ay usoo daayan ilamaha yar ee lagala soo baxsaday, xiligaana ku sugan Magaalada Burco.

 

 

 

Ciddi rabta in ay hubiso arintaan ama doonaya in ay waxkala qabtaan waxay la soo xidhiidhi karaan.

 

Muxubo shiikh muuse ciise Tell: 781854

 

hindi diiriye ciise Tell: 783028

 

muno Maxamed xirsi Tell: 744263

 

iyo hooyo

 

xaliimo cismaan bile waxaad ka heli kartaan lambaradaas kor ku qoran.

 

Gabadhaan yari waa la iibsaday waxaana iibsaday labba nin oo xabashi ah sidda naloo xaqiijiyey iaygoona ka iibsaday qof dumar ah oo oromo ah, tasoo ka ganacsata ilamah yar, arinta gabadhaan yar ayaa ah haatana mid weli ay marxaladeedu Taagantahay, waxaan furan dhamaan wixii gacan ka geysasho ah iyo gar gaar biliaadmi.

 

codka hooyada gabadha dhashey

 

Wa bilaahi Towfiiq:

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this