Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan loolanka Jabuuti iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM.

Mowqifkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Jabuuti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursigaas.

Abuukar Baalle ayaa sheegay in markii Soomaaliya ay ku jirtay dhibka aysan Jabuuti dhinac ka istaagan balse ay kalain ka qaadatay hanaanka dib u dhiska nabadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay dood wanaagsan iyo kaalin ku lahayd go’aankii golaha ammaanka ee QM uu Soomaaliya ugu soo diray ciidamadii caalamiga ahaa ee nabad ilaalinta ee UNISOM, markii ay burburtay dowladdii kali-taliska ahayd ee dalka.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Jabuuti ay qabatay shirkii ugu horreeyey ee nabad-ilaalin ah oo Soomaaliya loo qabto, bishii June ee sanaddii 1991-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this