Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhoobo-daareed oo u dhoofay magaalada Addis Ababa waddanka Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?w=1000&ssl=1Cabdixakiin Dhoobo-daareed

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia.

Mudane Dhoobo, oo Baarlamanka Puntland xilka ka xayuubiyeen 7-dii bishiii la soo dhaafay ee November, ayaa xilligaasi wixii ka dambeeyay u ambabaxay degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan, isaga oo kulamo kala duwan la soo yeeshay bulshada ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolladaaasi Haylaan iyo Sanaag ee Puntland.

Xildhibaanka oo Arbacadii shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe , ayaa xalay ku hoyday magaalada, balse maanta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, isaga oo u safray magaalada Addis Ababa, halkaasi oo sida la sheegayo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fahdiya Ethiopia Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey).

Xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedka socdaalkiisa ku wajahan waddanka Ethiopia, sidoo kale waxaa jira warar is-khilaafsan oo ku gedaaman safarkaasi, inkastoo aysan Puntland Post xog dhamaystiran ka helin.

PUNTLAND POST

The post Dhoobo-daareed oo u dhoofay magaalada Addis Ababa waddanka Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this