gooni

Masaajid iyo Qabyaalad

Recommended Posts

gooni   

Guri Alle 

Masaajid waa guri ilaahay lagu caabudo.

Waxaa lagu galaa gudihiisa, aamusnaan waana lagu qashuucaa, laguma buuqo, lagumana sheekaysto.

Waxaa lagu iloobaa aduunyo iyo waxa dhex yaal, waxaana lagu xasuustaa aakhiro iyo xisaabta dambe.

(اللهم احسن خاتمتنا) 

Hadaba walaalaheen soomaaliyeed haday ku heshiin waayeen guri alle loo dhisay dhexdiis, dal ma ku heshiin karaan aragtidiina?

Maxaa isku dhex daray ragga iyo dumarka meel cibaado loogu talo galay?

Dumarka tii qolkeeda jiifka ku tukata waa ka ajar badan tahay tan masaajidka aada.

Sheekh soomali ah, oo alle dartiis u ilmaynaya, way adagtahay inuu sidoo kale naga oohiyo, sababtoo ah wuxuu la ooyay nama fahamsiin karo.

Qabiil walbaa masaajid u gaara ha dhisto baa yurub noogasoo socota sida muuqata.

Gudaha somaaliyana jameecadu way ka hor salaama naqsadaan imaamka kala dambayn ma leh.

Waxaan u baahanahay in diinta iyo ku dhaqankeeda dib naloo baro xaqiiqdii waa aafo qaran.

Mid baan waydiiyay hadda ka hor khudbo jumcadu maxay ku saabsanayd gudaha soomaaliya? 

Wuxuu iigu jawaabay ma aqaan carabi buu akhriyay waana na tujiyay.

Culimadeenu waxay u haystaan in carabi lagu qudbeeyo inay waajib tahay, ama markay salaadda tukadaan ka dib oo dadku daalo bay qaarkood fasiraan hadiiba uu qudhiisu garanayo waxa  ku qornaa waraqaduu akhriyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.