Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Muqdisho oo amni laga dareemayo

Recommended Posts

Muqdisho oo amni laga dareemayo iyo Shabaab oo wajahaya guul darrooyin

 Maanta ma jirto xili ay Muqdisho ka amni wanaagsan tahay markii loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay waxaana sii xogeysanaya guulaha ay gaareen ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada amaanka oo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa ku guuleestay in magaalada ay ka joojiyaan weerarada Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray, islamarkaana lagu beegsan jiray xafiisyada dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleestay in ay joojiyaan weeraradii ay fulin jireen kooxihii gaadiidka watay ee dadka ku hor jari jiray, iyadoo hadda sidoo kale guulo waa wayn ay ka gaarayaan ka daba tagga dilalka qorsheysan oo ay Muqdisho ka geestaan Al-Shabaab.

Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada amaanka waxay nolasha ku soo qabteen 4 dagaalame oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo gacanta kula jiray dilal iyo weeraro ay qaadeen halka ay sidoo kale dileen hal dagaalame oo Al-Shabaab ah.

Ciidamada amaanka ayaa Wadajir ku qabtay laba dhagar qabe oo dilay Allah ha u naxariistii Askari ka tirsanaa Ciidamada amaanka. Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe Al-Shabaab ah oo isla todobaadkaan dil u geestay Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya waxa uuna falkaasi ka dhacay Xaafadda SII SII ee magaalada Muqdisho.

Talaabadii ugu dambeysay oo ay qaadeen ciidamada amaanka ayaa aheyd kadib markii habeen hore ay nolasha ku qabteen laba dagaalame oo Al-Shabaab ah kuwaas oo weerar ku soo qaaday xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana soo bandhigay saraakiisha amaanka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa in kabadan 100 maalmood ku jirta daganaansho amni iyo dareen soo kabasho ah markii loo eego bilo ka hor.

Maxaa  sababay in Al-Shabaab looga adkaado Muqdisho

Magaalada Muqdisho muddo badan qaraxyo kama dhicin, gaar ahaan kuwii lagu weerari jiray xarumaha Dowladda iyo kuwii kale ee baabuurta looga xiri jiray saraakiisha Dowladda ka tirsan iyo kuwa kale oo shaqaale hey’adeed ahaa, sidoo kalana waxaa la yareeyey dilalkii ka dhici jiray Magaalada.

Waxaa si weydiin mudan sababta keentay in la wiiqo awooddii ay Al-Shabaab ku laheyd Magaalada Muqdisho, Caasimadda Online ayaa ogaatay in sababta ugu weyn ee arrintaas keentay ay tahay in dhammaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir la siiyey qalab dhameystiran oo ka saaciday in saldhig kasta uu sugo amniga dagmadiisa.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in dhamaaan Taliyaasha Booliska Saldhigyada loo sheegay in cid kasta lagula xisaabtami doono amniga, iyadoo degmo kasta loo qoray ciidamo dhar cad sirdoon ah oo howgalo ka sameeyo degmooyinka.

Waxaa la dilay oo qaarna la xiray kuwii Al-Shabaab u qaabilsanaa inay Gawaarida dadka ugu xiraan waxyaabaha Qaraxo, waxaana ugu dambeysay kuwii lagu beegsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii la helay xog ku saabsan sida ay u shaqeeyaan iyo halka ay saldhig ka dhigtaan.

Inkastoo magaalada ay galeyso xaalad amni ah hadane waxay dadweynaha cabasho ka qabaan wadooyinka xiran oo dhanka kale sababay hoos u dhac dhaqaale oo aad u balaaran, hase yeeshee xirnaanshaha waddooyinka ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha amniga u wanaagsanaaday.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

1) xamar dad aa jooga oo fidno iyo qaran dumis wadaan. Dadkaas xamar kuma dhalanin, waa dad ******** oo "banaadir statenimo" qaran dumis oo socdan. Dadkaas, waa la ogyahay meeshi ay ki imaadeen, waa jowhar, balcad, iyo dhuusomareeb iyo cadaado. Dadkaas hadii xamar ay faraxsaneen, meeshi ka imaadeen ha oo noqdaan, qaran dumiska baladkooda ha geeyaan

2) qofki nabad jecel oo ku dhaqmaayo dhaqanki dadka xamar loo yimid (xamar iyo xamar daye) xamar ha dagaan, dawaladoodanee haa taageeraan. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
22 hours ago, ZaynalLayl said:

1) xamar dad aa jooga oo fidno iyo qaran dumis wadaan. Dadkaas xamar kuma dhalanin, waa dad ******** oo "banaadir statenimo" qaran dumis oo socdan. Dadkaas, waa la ogyahay meeshi ay ki imaadeen, waa jowhar, balcad, iyo dhuusomareeb iyo cadaado. Dadkaas hadii xamar ay faraxsaneen, meeshi ka imaadeen ha oo noqdaan, qaran dumiska baladkooda ha geeyaan

2) qofki nabad jecel oo ku dhaqmaayo dhaqanki dadka xamar loo yimid (xamar iyo xamar daye) xamar ha dagaan, dawaladoodanee haa taageeraan. 

Maxaa ka hadloysaa? confused0003.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.