Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka  cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kulan kadib  ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu amaanay doorka dowladda Sweden ay ka qaadato horumarinta dalka Soomaaliya “Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

1-38.jpg?w=1000&ssl=1 2-29.jpg?w=1000&ssl=1 3-26.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this