Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Abuu Bakar Al-Baqdaadi hoggaamiyihii IS ee la dilay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuma Abuu Bakar Al-Baqdaadi hoggaamiyihii IS ee la dilay?

isis

Abuu Bakar Al-Baqdaadi, hoggaamiyaha kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish oo in dhawaale ahaa nin aad loo doondoonayay caalamka oo dhan ayaa xalay lagu dilay hawlgal milatari oo Mareykanka uu ka fuliyay woqooyi galbeed Suuriya.

Al-Baqdaadi oo la baxay “Khaliif Ibraahim” ayaa tan iyo muddo haatan laga joogo shan sano, waxaa raadinayay Mareykanka oo madaxiisa dul dhigay 25 milyan oo doolar.

Xilligii ay kooxdiisa Daacish ugu awoodda badnayd, waxa ay maamuli jirtay dhul aad u ballaaran oo gaaraya ilaa 88,000 km2. Dhulkaasi ayaa ka billaabanayay galbeedka Suuriya kuna dhammaanayay bariga Ciraaq.

Kooxdaasi oo dhibaato badan u geysatay qiyaastii siddeed milyan oo qof, ayaa waxa ay balaayiin doolar ka heli jirtay canshuurta ay ka qaado saliidda dalalka Suuriya iyo Ciraaq, dadka ay qafaalato iyo handadaadda shacabka.

Balse inkasta oo ay qaab ahaan burburtay, hoggaamiyeyaasheedana la laayay, haddana kooxdani ayay ka go’nayd in ay dagaallanto. Ilaa haatanna, lama hayo ciidamo tayo leh oo ka dhisan waddamada Suuriya iyo Ciraaq oo cirib tiri karaya kooxdaasi.

Abuu Bakar Al-Baqdaadi oo magaciisa saxda ah uu yahay Ibraahim Cawad Ibraahim Al-Badri ayaa sanadkii 1971 ku dhashay magaalada Samaara oo ku taal bartamaha dalka Ciraaq. Waxa uu ka soo jeedaa qoys Carbeed oo Sunni ah oo sheegtay in uu ku abtirsado qabiilka Qureyshta ee uu ka dhashtay Nabi Muxammad (NNKH).

Markii uu da’da yaraa waxay qaraabadiisa ugu yeeri jireen “kii rumeeyay” sababtoo ah, wuxuu wakhtigiisa ku qaadan jiray masaajidda oo uu ku baran jiray Quraanka, wuxuuna sidoo kale ciqaabi jiray sida la sheegay dadka diida in ay u hoggaansamaan shareecada Islaamka.

isis

Ka dib markii uu bogay waxbarashadiisa dugsiga sare, wuxuu u wareegay magaalada Baqdaad. Waxaa uu shahaadada labaad ee jaamacadda ku qaatay cilmiga Diinta Islaamka, ka dibna waxa uu shahaadada PhD-ga ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Baqdaad, sida lagu sheegay taariikh noolaleed ay faafiyeen taageerayaashiisa.

Xilligii uu ardayga ahaa, waxa uu degnaa meel u dhow masjid ay ku tukadaan dadka Sunniga ahi oo ku yaal magaalada Baqdaad, gaar ahaanna degmada Tobchi. Waxaa la sheegaa in uu ahaa nin deggan oo aan hadal badnayn, wuxuuna Kubadda Cagta u ciyaari jiray koox u dheesha masaajidkaasi uu ku taxnaa.

Abuu Bakar Al-Baqdaadi ayaa la rumeysan yahay in muddadaasi uu qaatay afkaarta kooxaha salaafiyiinta iyo kuwa jihaad doonka ahi.

‘Jaamacadda Jihaadiyiinta’

Ka dib duullaankii Mareykanka uu sanadkii 2003-dii ku qaaday dowladdii madaxweyne Sadaam Xuseen, Al-Baqdaadi ayaa lagu soo waramayaa in uu gacan ka geystay aasaaska koox Islaami ah oo lagu magacaabo Jaysh Ahlu-Sunnah wal-Jameeca oo weerar ku qaaday ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda. Wuxuu xilligaasi noqday madaxa golaha fulinta Shareecada Islaamka.

Horraantii sanadkii 2004, Al-Baqdaadi waxaa magaalada Faluuja ku qabtay oo xabsiga dhigay ciidamada Mareykanka, waxaana la geeyay xabsi ku yaal xerada ciidamada ee Bucca ee koonfurta dalkaasi.

isis

Xabsigaasi ayaa markii dambe noqday waxa haatan loogu yeero “jaamacadda” hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee kooxda Daacish, waxaana maxaabiistii halkaasi ku jiray ay noqdeen kuwo dhammaantood qaatay afkaarta kooxaha xagjirka ahi, waxaana ay yeesheen shabakad hoose iyo xiriir.

Al-Baqdaadi ayaa la sheegayaa in uu Iimaan u ahaa maxaabiistaasi, isla markaana uu diinta bari jiray, waxaana mararka qaar maamulka xabsigaasi uu ka caawin jiray dhexdhexaadinta khilaafaadka. Mareykanka ayaa u arkayay in aan sidaasi u halis badnayn, waxaana toban bilood ka dib laga sii daayay xabsiga.

Dib-u-dhiskii Al-Qaacidda ee Ciraaq.

Ka dib markii xabsiga laga sii daayay ayaa la rumeysan yahay in Al-Baqdaadi uu xiriir la yeeshay Al-Qaaciddada Ciraaq oo uu markaasi hogaaminayay Abuu Muscab Al-Zarqaawi uu u dhashay dalka Urdun. Al-Qaaciddada Ciraaq ayaa noqotay cudud xooggan oo dagaal la gashay ciidamadii Mareykanka.

Horraantii sanadkii 2006, Al-Qaaciddada Ciraaq ayaa aasaastay shabakad Islaami ah oo lagu magacaabo golaha shuurada mujaahiddiinta, taasi oo kooxdii Al-Baqdaadi ay ku biirtay.

isis

Dabayaaqadii sanadkaasi ayaa kooxdaasi waxay baddashay magaceeda ka dib markii uu Mareykanka duqeymo ku dilay Al-Zarqaawi, waxa ayna la baxday Dowladda Islaamka ee Ciraaq. Al-Baqdaadi waxa uu noqday madaxa guddiyada fulinta shareecada Islaamka, ka dibna wuxuu ka mid noqday golaha Shuurada ee kooxdaasi.

Sanadkii 2010, markii ciidamada Mareykanka ay dileen hoggaamiyihii kooxdaasi Abuu Cumar Al-Baqdaadi iyo ku xigeenkiisii Abuu Ayuub Al-Masri ayaa Al-Baqdaadi wuxuu la wareegay hoggaanka kooxdaasi.

Waxa uu la wareegay xukunka koox taliyeyaasha Mareykanku ay xilligaasi u arkayeen in ay sii burbureyso. Balse waxa ay markiiba taageero ka heshay saraakiishii hore ee mukhaabaraadka maamulkii Saadaam Xuseen oo ka mid ahaa maxaabiistii ku jirtay xabsiga Bucca.

‘Khaliif Ibraahim’

Billowgii sanadkii 2013, waxa ay kooxdaasi gudaha Ciraaq ka geysatay dhawr weerar. Waxa ay sidoo kale ku biirtay kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al-Asad. Sidoo kale waxay kooxdaasi gudaha Suuriya u dirtay dagaalyahanno qeyb weyn ka qaatay dhismaha jabhadda Al-nusra oo xiriir la lahayd urur weynaha Al-Qaacidda.

isis

Bishii Abriil, Al-Baqdaadi ayaa waxa uu ku dhawaaqay midowga ciidammadiisa ku sugan Ciraaq iyo Suuriya iyo weliba inuu sameeyay “Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam” (Isis/Isil). Hoggaamiyeyaasha ururrada Al-Nusra iyo Al-Qaacidda ayaa tallaabadaasi ku gacanseyray, hasayeeshee dagaalyahanno daacad u ah Al-Baqdaadi ayaa ka soo goostay Al-Nusra, waxa ayna gacan ka siiyeen in Daacish ay Suuriya ka sii jirto.

Dhammaadkii sanadkii 2013, Daacish ayaa waxa ay diiradda u wareejisay waddanka Ciraaq, waxa ayna khilaaf siyaasadeed ka dhex abuurtay dowladda ay Shiicada hoggaamiso iyo bulshada carbeed ee sunniyiinta ah ee laga tirada badan yahay. Daacish oo kaashanaysa qabaa’illo iyo dad daacad u ahaa madaxweyne Sadaam Xuseen ayaa waxa ay la wareegeen magaalada Faluujah.

Bishii Juun 2014, dhowr boqol oo maleeshiyaadka Daacish ah ayaa waxa ay la wareegeen magaalada Mowsil, iyagoo halkaasi ka saaray milateriga waddanka Ciraaq, kaddibna waxa ay u ruqaansadeen magaalada Baqdaad, halkaasi waxa ay ku laayeen dadkii ka soo horjeeday, waxa ayna ku goodiyeen in ay cirib tiri doonaan inta badan qowmiyadaha dalkaasi ee haysta diimaha laga tirada badan yahay.

isis

Dhammaadkii bishaasi, ka dib markii ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen magaalooyin badan oo Ciraaq ah, ayaa Daacish waxa ay ku dhawaaqday in ay sameysay “Dowlad Islaami ah” taas oo dadka Shareecada Alle ku xukumi doonta. Waxa ay madax u doorteen Baqdaadi oo ay u bixiyeen “Khaliif Ibraahim” waxa ayna dalbadeen in Muslimiinta dunida oo dhan ay adeecaan.

Shan maalmood ka dib waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Al-Baqdaadi oo khudba ka jeedinaya masaajidka Al-Nusri ee magaalada Mowsil, waana markii ugu horreysay oo la arko muuqaalkiisa.

Khudbaddaasi ayuu Al-Baqdaadi ugu baaqay muslimiinta in ay usoo haajiraan dhulka ay kooxdiisa maamusho, si buu yiri weerar loogu qaado dadka aan muslimiinta ahayn.

Kumannaan qof oo ajaaniib ah ayaa hadalkiisa u hoggaansamay, waxayna ku yaaceen waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

isis

Bilo ka dib Mareykanka ayaa abaabulay isbahaysi ka dhan ah kooxdaasi waxaana bartilmaameedyada kooxdaasi lagu qaaday duqeymo xooggan. Duqeymahaasi ayaa billowday ka dib markii kooxda Daacish ay kurka ka goysay dhawr la haysteyaal ah oo u dhashay waddamada reer galbeedka.

Daacish oo laga adkaaday

Balse shanti sano ee xigtay ayaa kooxdaasi laga saaray dhul badan oo ay maamuli jirtay.

Colaaddii ka billaabatay labadaasi dal ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay malaayiin kale. Burbur badan ayaa sidoo kale ka dhashay.

Bishii Juun ee saandkii 2017, xilli ciidamada dalka Ciraaq ay dagaal xooggan kula jireen mintidiinta Daacish ayaa saraakiil ka tirsan kuwa Ruushka waxay sheegeen in ay suurtagal tahay in Al-Baqdaadi lagu dilay meel u dhow magaalada Raqa oo ahayd xarunta Daacish.

Balse bishii Sebteembar ee sanadkaasi ayay kooxdaasi shaacisay cod laga soo duubay Al-Baqdaadi oo taageerayaashiisa ugu baaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray cadowga.

Tan iyo xilligaasi kooxdiisa Daacish ayaa sii burbureysay, waxaana dhul badan ka qabsaday ciidamada waddaamda Ciraaq iyo Suuriya oo gacan ka helaya dowlado shisheeye iyo maleeshiyaad daacad ah oo ay ka mid yihiin Kurdiyiinta Suuriya.

Waxaase xalay hawlgal qorsheysan Al-Baqdaadi ku dilay ciidamada Mareykanka sida uu sheegay madaxweyne Trump oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this