Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Ciidan Dheeraad Ah Geysay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sida ay inoo sheegeen saraakiil ku sugan Dhuusamareeb, ciidamadan ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran, waxaana ay ka kala tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Ciidankan ayeey DFS dooneysa iney qeyb ka ahaadaan kuwii ay horey u geysay magaaladaasi, waxaana ay sugi doonaan ammaanka.

Ciidamadan la geeyey Dhuusamareeb ayaa imaanaya xilli DFS iyo Ahlu-sunna uu ka dhaxeeyo is faham darri ku aaddan dhanka doorashada Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this