Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo laga dejiyey Dhuusamareeb xili Khayre kusii jeedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Cutubyo kamid ah ciidamada Gorgor ee dowladda federaalka  ayaa laga dejiyay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug.

Diyaarad gaar ah oo ciidanka ka qaadey magaaladda Muqdisho ayaa ka dejisay xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xoogagan oo tiradoodu lagu sheegay 60 ayaa ah ilaaladda gaarka ah ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo halkaas ku wajahan.

Khayre ayaa lagu waramayaa in uu dardargelin doono dedaaladda dhismaha maamul loo dhan yahay iyo doorashooyinka.

Dhinaca kale, ciidanka dowladda ayaa qaybo kamid ah magaaladda kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu amniga lagu sugayo.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/AW.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this