Sign in to follow this  
Deeq A.

Rasaas laga maqlay qaybo kamid ah Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in halkaas laga maqlay rasaas.

Xabadaha ayaa lagu waramayaa in laga dareemay meel ku dhow hoyga uu magaaladaas ka degan yahay Sheekh Shaakir.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddiga doorashada ee uu magacaabay ayaa degan dhismaha.

Lama ogga cidda ridday rasaasta, wallow la sheegayo in ay ganeyn ciidamo ka tirsan dowlada federaalka.

Wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta oo lagu beegsaday ilaalada gurriga, illaa iyo haatan lama soo warin.

Xaaladda ayaa sheegayaa in ay tahay mid kacsan, wallow ay socdaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda taagan.

Caasimadda Galmudug ayaa isku diyaarineysa martigelinta Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Gudoonka baarlamaanka maamulkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this