Deeq A. Posted October 22, 2019 Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa manta howlgallo kooban ka sameeyey inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa miino baaris ah ayaa ciidamadu waxa ka fuliyeen waddada isku xirta labadaasi magaallo oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sidoo kale Shabelle in baaritaanadu ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amniga waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka deegaanada HirShabelle. Al-Shabaab ayaa marar badan waddadan ka fulisay weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu dilay mas’uulyihiin sar sare oo ka tirsanaa maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites