Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo miino baaris ah oo laga sameeyey Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa manta howlgallo kooban ka sameeyey inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada oo ahaa kuwa miino baaris ah ayaa ciidamadu waxa ka fuliyeen waddada isku xirta labadaasi magaallo oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sidoo kale Shabelle in baaritaanadu ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amniga waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka deegaanada HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa marar badan waddadan ka fulisay weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu dilay mas’uulyihiin sar sare oo ka tirsanaa maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this