Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Rwanda oo laga mamnuucay isticmaalka caagadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee dhaqan geliya xayiraad dhammaystiran oo ka dhan ah isticmaalka iyo ka ganacsiga caagadaha ama wax loo yaqaano Balaastiiga.

Ganacsadayaasha ayaa lasiiyay seddex bilood si ay uga saaraan kaydkooda oo ay u helaan waxyaabo u bedela, halka wershadaha soo saara balaastigga ay haystaan muddo kama-dambays ah oo laba sano ah.

Sharcigaan oo lasoo saaray markii ugu horeysay sanadkii 2008, ayaa loo arkaa inuu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah nabaad-guurka deegaanka.

Cidii sharcigaan fulin weyda waxay mutaysan kartaa ganaaxyo culus iyo in ganacsatada shatiga lagala noqdo.

“Dhab ahaantii waxaan waayi doonnaa macaamiil badan oo ku tiirsanaa caagagga-isticmaalkooda, laakiin waxaan sidoo kale heli doonnaa macaamiillo cusub oo adeegsada balaastigga aan la beddeli karin,” ayuu sheegay madaxa shirkada soo saarta balaastiiga, Wormlas Habamungu.

PUNTLAND POST

The post Dalka Rwanda oo laga mamnuucay isticmaalka caagadaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this