Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho oo mas’uul lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka Lafoole iyo ciidamo uu watay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa sheegtay inay la eegatay madaxa maaliyadda Lafoole, Iimaan Maxumad Cabdow iyo askar ilaalo u aheyd.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawac culus uu qaraxa ka soo gaaray mas’uulkaasi, iyo askartii la socotay sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Lafoole iyo kan Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan oo u badan qaraxyo miino ka fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this