Deeq A. Posted October 22, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo xalay ka dhacay agagaarka xerada Maslax ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Milatari ah uu jiiray mootada nooca loo yaqaano Fekonta. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku dhintay illaa afar qof, halka uu dhaawac daran ka soo gaaray qof kale. Wararka ayaa sheegaya in gaarigii ciidanka ee shilka geystay uu goobta isaga dhaq dhaqaaqay. Meydadka afarta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in la geeyey xarunta hay’adda dambi barista ee CID-da. Ma jirto ilaa iyo hadda cid si faah faahsan uga hadashay waxyeelada dadkaasi shacabka ah u geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites