Deeq A. Posted October 22, 2019 Garoowe (Caasimada Online) ―Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Maamulka. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1-Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 2-Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3-Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 4-Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska. 5-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Caasimada Online Xaafiiska Garoowe Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites