Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Looga Digay Inay Toogato Shaqsiyaad Qeyb Ka Ahaa Banaanbax Lagaga Soo Horjeeday Dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Hey’ada qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqday dowlada Masar in ay sii deyso shaqsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada oo ciidanka amniga xabsiga dhigeen kadib dibadbaxii lagaga soo horjeeday madaxweyne Cabdifataax Al-Siisii.

1571431237e9cb3.jpg

Shacabka Masar ayaa 20-kii bishii September dhigay dibadbaxyo ka dhan ah dowlada xilka heysa, kadib baaq ka soo baxay ganacsadaha lagu magacaabo Maxamed Cali ee ku sugan dalka Spain.

Ciidanka amniga ayaa xidhay ku dhowaad 3,400 oo banaanbaxayaal ah sida ay xaqiijisay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Masar iyo ilo kale oo Madaxbanaan.

Dadkaan ayaa 300 oo ka mid ah xabsiyada laga sii daayay balse waxaa la aaminsan yahay in kumaan kale ay xabsiyada ku Jiraan.

Waxaa laga cabsi qabaa in shaqsiyaadka u xidhan xukuumada Qaahira qaarkood lagu xukumo dil Toogasho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this