Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo la wareegay deegaan u dhexeeya Balcad iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Deegaankan oo lagu magacaabo Ceel Geelow, kuna yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa isku fidiyey guud ahaan deegaankaasi, iyaga oo ka bilaabay howlgallo ballaaran.

Amniga waddada isku xirta Muqdisho Jowhar ayaa halis sii galeysa, iyadoona ay Al-Shabaab isku dayeyso inay gabi ahaan joojiso isku socodka waddadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa waddadan ka fulisa weeraro gaadma ah, iyada oo ku dishay mas’uul sar sare oo ka tirsanaa dowlad goboleedka HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this