Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray tirada askartii maanta ay ka dileen ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – War ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyo ka kala dhacay duleedka magaalooyinka Wanllaweyn iyo Balcad oo ka kala tirsan gobolada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose lagu dilay ciidamo ka kala tirsanaa dowladda federaalka iyo maamulka Hir-Shabeelle.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay meel duleedka ka ah degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa Al-Shabaab waxay war kooda ku sheegteen in ay ku dileen ilaa Afar askari oo ka tirsanaa ciidamo ay sheegeen in ay ka soo baxeen saldhigga Ballidoogle, sidoo kalana qaraxaas lagu dhaawacay 10 askari oo kale sida lagu sheegay warka ka soo baxay Ururka Al-Shabaab.

Si gaar ah warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada oo watay gadiid tikniko ah oo aad u xoogan ay marayeen kolkii ay qaraxyada la beegsanayeen deegaanka Warmaxan oo dhaca duleedka degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay war kooda ku sgheegteen Al-Shabaab in ay la beegsadeen gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidamada maamulka Hir-Shabeelle.

Qaraxa oo sida ay warkooda ku sheegeen Al-Shabaab ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi-bile ah, iyagoo sheegtay in ay dhaawacyo kala duwan ku gaar siiyeen ilaa Afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Hir-Shabeelle.

Sheegada Al-Shabaab ee labadaas qarax ayaa ku soo aadeysa iyagoo galinkii dambe ee shalay dagaal ay ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle kula galeen duleedka magaalada Jowhar ay ku dileen ilaa shan askari iyo taliyihii ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this