Deeq A. Posted September 16, 2019 Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyey shirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo todobaadkiiba hal mar lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Wasiirkada maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ugu horreyn laga dhageystay guud looga dhageystay warbixin ku aadan shirkii uu dhowaan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. “Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle. Ra’iisul wasaare Khayre oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo ay ugu jirto, sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, si ay Soomaaliya u hesho maalgasho caalami ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites