Sign in to follow this  
NASSIR

Sheeko Cajiib baddan ( comic one)

Recommended Posts

NASSIR   

A friend posted on my fb page. I couldn't stop laughing!!

 

Ba'ayeey Illeen Wax Iqabay Jareer Buu haa?!

 

By Suldaan Neyruus

 

Markii ay Soomaali gashay Waddamada Reer Galbeedka, Waxaa soo baxay Gabdho badan oo Soomaaliyeed oo isla markiiba bilaabay Guurka nimanka Shisheeye. Wax la guursado kala fiicane, waxay aad uga helaan Guurka nimanka Madaw. Mase aqaan Sababta!

 

Gabar Soomaaliyeed oo ka soo jeedda beelaha Isla waa-weyn ayaa waxay Isku barteen Mareykanka Wiil Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Beesha Jareer Weyne. Wuxuu isugu sheegey in uu yahay Madawga Mareykanka ku nool, wuxuuna kula hadlaa Afka Ingiriiska, gaar ahaan kan Madawga Mareykanku ku hadlaan

 

Waa gabar Madawga Mareykanka ka heshee isla markiiba ha soo dhaweyso Jeceyl waalanna ha la jisho. Jeceyl-jilid dheer ka dib, waxaa la go’aansaday in la is guursado. Aabbeheed iyo Hooyadeed ayey la hadashay, waxayna ku tiri “Aabbe iyo hooyo waa la I guursanayaa”. “Yaa ku soo doonay gadhayadaay” ayey waydiiyeen. “Aabba iyo Hooyo waa nin Mareykan ah oo Muslim ah”. Hal mar ayey waxay la soo boodeen “Masha Allah Gabadhayadaay, nasiib badanidaa, haddii uu yahay nin Mareykan ah haddana Muslin yahay Waan kuu fasaxnay, si deg-deg ah ku guurso, lacagna badanna nooga soo qaad, dad badanna ha noo dhoofiyo, adiguna raalliyo u noqo”.

 

Sidii ayey gabadhii ku guursatey Wiilkii Soomaaliyeed ee Mareykanka isaga dhigay. Muddo dheer ayaa la is qabay, waxaana la isku dhalay dhawr carruur ah, luqadda lagu sheekeystana waa luqadda Ingiriiska

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu wiilkii u soo galay gabadhii oo la hadlaysa eheladeeda. Kolkaasuu inta Af-Soomaali ku hadlay yiri “Yaakhee muxuu yahay taleefoonkaan aad kala joojin la’dahay?”. Inta naxday oo taleefoonkii isa saartey ayey tiri “maxaad tiri?”, waa Soomaaliye, Luuqaddiisii Af-Soomaaliga ayuu la kala baxay, say tahay ugala hadlay.

 

Gabadhii ayaa isla markiiba la soo boodday “goormaad Soomaaliga baratey”. Suu ye “Waligeybaan Soomaali ahaa”. Inta Afkii furatey Gacmahana Madaxa saaratey bay ku balaan-bashay “Alla Ba’ayeey wax I qabay illeen Jareer buu ahaa… Alla Ba’ayeey wax I qabay illeen Jareer buu ahaa”.

 

Dadkeedii inta isugu yeertey ayey tiri “ninkaan iga fura”, is-qabqabsi dheer ka dib halkaas ayaa gabadhii lagu furey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I heard the same story just slightly different. I believe the lady knew he was somali but she knew her parents wouldnt let her marry him so she pretended he was african american and I believe somewhere along the path the family realized he was somali and from that tribe whom they dont approve and made a big fuss of it.

 

laakin somali uma maleenayo in ay run shegaan ...shekay alifaan to get a point across...so the point in here being that somalis actually hate their own more than others and that it is something we should be ashamed of and change for the better inshallah and know that we all allah's slaves regardless of our tribe...as it says in the quran ina akramakum cidna laahi atqaakum..the best of you and the closest of you to allah is the pious, those who hold the rope of faith and stay on the right path.n the ayah also points out htat we are made of nations and tribes to get to know one another..so theres absolutely nothing wrong with being from different tribes..allah made us that way so we can get to know one another so we can use as a departing point and know our background and history. But to use it in the wrong like somalis did in the past than thats wrong..even thou when you think about it few men use teh name qabiil to get their own interest and somalis just blindly follow...when you deeply look at the somali conflict its not really qabiil..simply greed over that one chair..kursiga talow hal nin ka badan miyuu qadaya...?? I guess not time to just let one person lead the nation and compete with the rest of nations who seem to be developing at a fast rate to a point where I think catchin up to them will be extremely difficult as we dont live in dark ages...

 

ma 2 cents..

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Not so interesting at all, heard & read da same story many years ago on da net, one of those stories oo uu qof mirqaansan iska qorey waaye, but in this case, habar marqaansan ayaa ku taagtaagsatey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this