Sign in to follow this  
Deeq A.

<p class="has-medium-font-size">(SLT-Washingto...

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Saraakiil ka tirsan waaxda sirdoonka dalka Maraykanka ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan inuu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii ururka Al-Qaaciida Osama bin Laden oo magaciisa la yidhaa Xamza Osama bin Laden, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Maraykanku.

f60943af92174a9aba640779b33cf3ee_18.jpg

Warbaahinta NBC ayaa sheegtay in sadex sarkaal oo ka tirsan Maraykanku ay u xaqiijiyeen warka ku saabsan dhimashada Xamza Osama bin Laden, balse wax faahfaahin ah kumay darin intaasi oo ku saabsan goorta uu dhintay iyo halka uu ku dhintay toona.

Sidoo kale wargeyska The New York Times ayaa isaguna dhiniciisa ku waramay in in dawlada Maraykanku ay door ku lahayd hawlgal lagu dilay Xamza bin Laden, kaas oo dhacay laba sanadood ka hor.

Bishii February ayaa dawlada Maraykanku ay Xamza bin Laden ay madaxiisa dul dhigtay $1m in la siin doono cidii war ku saabsan halka uu joogo soo sheegta.

Waxaanu Xamza tan iyo intii la dilay Aabihii sanadkii 2011-kii uu cajalado maqal iyo muuqaal ah oo uu soo duubay uu ugu baaqi jiray kooxaha mayalka adag inay weeraro u geystaan dalka Maraykanka iyo dalalka kale ee la ologa ah, waxaanay dawlada Maraykanku ay sanadkii 2017-kii ay Xamza bin Laden ay ku dartay liiska madow ee Argagixisada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this