Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Haweeney damacsan inay is qarxiso oo soo gashay magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gacanada ay kuwada xiriiraan Ciidamada Booliiska Soomaaliya (Isgaarsiinta Booliiska) ayaa xalay laga shaaciyay in magaalada Muqdisho ay ku jirto Haweeney darawal ka ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo damacsan in ay weerar ka fuliso magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah ay wadato qofkaan dumarka ah islamarkaana dooneyso in ay weerarkeeda la beegsato Difaacyada Madaxtooyada Soomaaliya ama Xarunta Dowladda Hoose ee gobalka Banaador.

Waxaa inta badan la fasaxay shaqaalaha aan baahida joogtada ah loo qaban ee ka tirsan Xarunta Dowladda Hoose, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowladda gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir.

Ma jirto cid si rasmi u xaqiijin karta arintaan balse waxaa jirta Qaraxyo sidaan oo kale ay Booliiska Soomaaliya uga digeyn balse markii dambe ka dhacay goobihii laga digay.

Digniintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shalay qarax xoog leh uu ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this