Sign in to follow this  
Prinz

Xasan Dirie Farax oo geeriyooday.

Recommended Posts

Prinz   

Kuwait 26/July/2008 Waagacusub.com:

 

Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Xasan Diiriye Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Kuwait sida uu Saxaafadda u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Saleebaan Xasan Diiriye.

 

“ Allaha u naxariisto Aabe Xasan Diiriye wuu geeriyooday,wuxuuna u geeriyooday xanuun uu mudo la liitay oo lagu daweynayay dalkaan Kuwait”ayuu yiri Saleebaan Xasan Diiriye.

 

Raxmo Xasan Diiriye ayaa hore Website Waagacusub.net ee arrimaha bulshada ka faalooda ugu warantay in Aabaheed uu ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo xustay inay jiifka iyo sariirta ka bixinayeen Abwaan Hadrwaawi iyo Cabdi Qeyska halka uu sedex boqol dollar dibada uga diray Boqorka Codka Maxamed Suleybaan Tubeec.

 

Marxuum Xasan Diiriye oo ka mida Fanaaniinta waaweyn ee Waaberi wuxuu ku dhashay Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug,waxaana lagu xasuustaa heeso Jaceyl iyo Wadani isugu jira sida Fiidmeerta duushaay Fariinteeyda qaad, Waad Mala haboowday,Dhalanteed,Timir lafbaa ku jirta iyo heeso kale oo badan.

 

Sanadkaan gudahiisa waxaa geeriyooday Fanaaniin,Abwaaniin,laxamiistayaal,muusikiistayaal laga xusi karo Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed,Fanaan Mulaxamiiste Axmed Nuur Jaangoow,Abwaan Xasan Sheekh Muumin.

 

Heesaha lagu xasuusto halkan ka dhagyso

http://waagacusub.com/wareysiyo/HassanDiiriye.ram

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Allah ya raxmaha - ilaahayoow u naxariiso dadkiisana samir iyo iimaan ka sii... he was a legend walaahi...

Share this post


Link to post
Share on other sites
sunaari   

Illaah haw naxariisto. He was indeed great singer and had lot of patriotic songs such "Heegan aan ahadoo hogaanshow, waleey han weyn yahay horseedoow"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this