Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Hambalyeysay Raysal-wasaaraha Hindiya Oo Mar Kale La Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay doorasho dib loogu soo doortay Raysal-wasaaraha dalkaasi, Mr. Narendra modi.

Narendra-modi..jpg

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Hambalyo u diray Raysal-wasaaraha Hindiya Narendra modi, kaasi oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Hindiya, ka dib markii Xisbigiisu uu kuraasta ugu badan ka helay Baarlamaanka.

Saylici oo qoraal ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya Magaca Somaliland uu ku hambalyeynayo xilka mar labaad loo doortay.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Hindiya iyo Somaliland leeyihiin xidhiidh dhanka Ganacsiga, kaasi oo gaadhaya hal Milyan oo dollar.

hh.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this