Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Carabta Iyo Kuwa Islaamka Oo Shir Degdeg Ah Yeelanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makka)-Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga.

JaamacadaCarabta080914.jpg

Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee ammaanka iyo deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka.

Qabsoomida Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay welli xaallado ka jiraan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq, Algeria, Sudan, iyadoo ay weli Yuhuudda dhibaatooyin ka geystaan dhulka Falastiin iyo magaalada Quddus-ta La-haysto iyo La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda.

Sidoo kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay cabsi xooggan laga qabo Isku-dhac dhex mara Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Iiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu casuumay Kulankaasi ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb geli doono Kulankaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkaasi oo la hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ayaa sheegay inay dalka Sacuudiga dal walaal ah, Madaxa Carabta iyo Qibladda Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caddow kasta oo Sacuudiga soo beegsada uu yahay Caddow guud oo dhamaanteenna na soo beegsaday.

Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudiga, Soomaaliya iyo dadaalka ay Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helista khilaafka dhuleed ee Jabuuti iyo Eritrea.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this