Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Galmudug oo isbahaysi sameystay kana soo horjeestay laba sharci oo ay waddo DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa heshiisyo ku gaaray islamarkaana qodobo kasoo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulankooda ugu dooday arrimaha siyaasada, doorashooyinka, iyo sharciyada batroolka iyo canshuuraha dalka.

Qoraal shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay si wadajir ah uga soo horjeedaan islamarkaana aysan aqoonsanayn sharciga canshuuraha iyo sharciga batroolka ee dowladda federaalka.

Labada maamul ayaa sidoo waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo siyaasada sida lagu sheegay qoraalka ay wadda jirka u soo saareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Warmurtiyeed-Shirka-Iskaashiga-Dowladdah 1-1.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg 4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this