Sign in to follow this  
Ilka-dahable

Somalia for Dummies

Recommended Posts

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.

 

Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.

Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.

60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo 5% oo ah dad Kaluumayato ah.

 

khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.

 

Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).

 

Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.

 

Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.

 

Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).

 

Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.

 

Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

 

Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:

 

Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.

 

Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.

 

Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.

 

N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.

 

Iyo gobolada Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.

 

shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.

 

Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.

 

Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.

 

1. Gobolka Banaadir.

 

Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis

Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab

Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi

Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

 

Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.

2. Gobolka Shabelada Dhexe.

 

Jowhar Balcad Cadale

Aadanyabaal

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha

3. Gobolka Hiiraan.

 

Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi

Matabaan

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

 

4. Galguduud.

 

Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur

Ceeldheer Cadaado

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 

 

5. Gobolka Mudug

 

Gaalkacyo Hobyo Jariiban

Xarar dheere. Galdogob

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Galkacyo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 

 

6. Nugaal.

 

Garoowe Eyl Sinujiif

Boocane Rabaable Burtinle

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 

7. Gobolka Bari.

 

Boosaaso Qandala Iskushuban

Bandarbayla Caluula Qardho

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.

 

8. Sool.

 

Laascaanood Xudun Caynabo

Taleex

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 

9. Sanaag.

 

Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn

Baran Buraan

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.

 

10. Togdheer.

 

Burco Owd weyne Sheekh

Buuhoodle

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.

 

11. Gobolka waqooyi galbeed.

 

Hargeyso Berbera Gabiley

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

 

12. Gobolka Awdal.

 

Baki Boorame Saylac

Lug haya.

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

 

13. Gobolka Sh/hoose.

 

Marka Baraawe Qoryooley

Afgooye ********* Kurtunwaarey

Sablaale.

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

 

14. Gobolka Bay.

 

Baydhabo Buurhakaba Diinsoor

Ufurow Qansax dheere Bardaale.

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

 

15. Gobolka Gedo.

 

Garbahaarey Luuq ganaane Doolow

Beled Xawo Ceelwaaq Baardheere.

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.

 

16. Gobolka Bakool.

 

Xudur Waajid Yeed

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

 

17. Gobolka Jubada Dhexe.

 

Bu'aale Dajuumo Baardheere

Saakow Jilib

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu'aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.

 

18. Gobolka Jubada Hoose.

 

Kismaayo Afmadow Badhaadhe

 

 

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo'da.

 

Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.

 

Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.

 

Xamar 247km Baydhabo Xamar 550km Dhuusomareeb

Xamar 111km Marka Xamar 1600km Hargeysa

Xamar 90km Jowhar Xamar 1220km Laascaanood

Xamar 335km Beledweyne Xamar 925km Garoowe

Xamar 485km Bu'aale Xamar 1505km Boosaaso

Xamar 500km Kismaayo Xamar 1800km Baki

Xamar 430km Xudur Xamar 1340km Burco

Xamar 505km Garbahaarey Xamar 1450km Ciiregaabo

Xamar 750km Gaalkacyo

Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya. Muqdisho 30km Afgooye Afgooye 164 Buurhakaba

Buurhakaba 66km Baydhabo Baydhaba 150km Luuq

Baydhaba 155km Xudur Luuq 80km Doolow

Luuq 69km Garbahaarey Garbahaarey 129km Baardheere

Baardheere 195km Baydhaba Baardheere 260km Jilib

Jilib 114km Kismaayo Kismaayoq 139km Afmadow

Kismaayo 195km Dhoobley Muqdisho 113km Marka

Marka 193km Baraawe Baraawe 168km Jilib

Muqdisho 95km Jowhar Jowhar 121km Buuloburte

Buuloburte 116km Beledweyne Beledweyne 45km Feerfeer

Jowhar 140km Cadale Cadale 185km Ceeldheer

Ceel dheer 162km Ceel buur Ceel buur 110km Sindago

Sindago 164 Beledweyne Sindago 220km Gaalkacyo

Gaalkacyo 256km Hobyo Gaalkacyo 260km Garoowe

Garoowe 219 Eyl Garoowe 222km Qardho

Qardho 258km Boosaaso Qardho 221km Bandarbayla

Iskushuban 280km Caluula Caluula 40km Bareeda

Caluula 105km Baargaal Garoowe 132km Laascaanood

Laascaanood 141 Ceeldhaab Ceeldhaab 255km Ceerigaabo

Ceeldhaab 120 Burco Burco 148km Berbera

Hargeysa 177km Burco Hargeysa 70km Gebiley

Gebiley 52km Boorama Boorama 269km Saylac

Saylac 21km Lowyacado Xudur 115km Yeed

Xudur 242km BuuleBurte

 

 

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

 

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:

 

Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo'da oo iyagu la'isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.

2. Lo'da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.

4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

 

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

 

Magaca

 

inta ay ku bislaato

 

Galayda 90 beri

Masagada 90beri

Sisinta 90beri

Muuska 180beri

Digirta 80beri

Yaanyada 80beri

Babayga 90beri

Bataatiga 180

Lowska 120

Canbaha 6sano

 

 

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.

 

Hohob Mareer Gud Dhafaruur Dhuwan Ontoro

Deegaan Dhebi Gob Miracas TukeLalmi Murcood

Kobash Askax Shanfarood Barde Dhamaag Qoone

 

 

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo

Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.

magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

 

Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah"

1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.

2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.

3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.

4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.

5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed

6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.

7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.

8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L

9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.

10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed

11. 21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga

12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.

13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.

14. 1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.

15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.

16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.

17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke.

18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre

19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii

20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii

Warshadaha

. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii

Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii

Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this