Deeq A. Posted May 7, 2019 Dharkenley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta nin hubeysan uu ka geystay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay in Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Cabdow, kaas oo ku sugnaa xaafadda Dabakaanyo Madow ee degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ninka dilka geystay uu horay Marxuumka uga qaatay Mobile uu watay. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dharkenley ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dilkaasi. Ammaanka degmooyinka G/ Banaadir ayaa maalmihii dambe ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ballaaran ka wadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites