Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaxda iyo Baraawe oo caawa ku loolamaya tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa si rasmi ah caawa u bilaabanaya Tartan Aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo sanadkiiba mar la qabto bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Tartanka oo ah mid xiiso badan  ayaa waxaa ku baratamaya  illaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka ka mid ah gobollada dalka.

Illaa 4 Group ayaa loo qeybiyay degmooyinka, iyadoona horin walba ay ku wada jiraan illaa iyo 4 degmo.

Degmooyinka Kaxda iyo Baraawe ayaa nasiib u yeeshay furitaanka Tartanka, kuwaas oo caawa isku arki doona Barnamamijka tartan aqooneedka Shabelle.

Kaxda waa degmo ku taalla Muqdisho waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee gobolka Banaadir, waxaana koofureed ka xiga degmada Dharkenley.

Sidoo kale waxaa dhanka galbeed ka xiga deegaankla Lafoole ee gobolka Sh/hoose, waqooyina degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Baraawe waa magaalo xeebeed ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose waa degmo taariikh dheer leh, koonfur waxaa ka xiga Jilib, galbeed Sablaale, bari badweynta Hindiya, woqooyina Marka.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafa xeydanaya ka qeyb galka Tartanka Caawa, iyadoona degmo walba ay isku diyaarineyso dhanka guusha.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba gelinayaha shirkadda adeegga Korontada ee BECO iyo shirkadda Cabitaanada ee Kooka Koola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this