Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow oo sheegay inay xal u heleen qaraxyadii Al-Shabaab ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa waxaa uu ka hadlay howlgalada Ciidanka amniga ay ka wadaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in markii uu ku dhawaaqay howlgalkaas oo laga joogo mudo 40 Cisho ah ay sababtay in amniga Caasimadda Soomaaliya wax badan laga qabto,isla markaana falal amnidarro ay geysan lahaayeen Al-Shabaab laga hortagay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Duqa Muqdisho in loo baahan yahay in la sii adkeeyo amniga Caasimadda inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,isagoona ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan sugida amniga.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Ciidanka amniga Qaranka u mahad celiyay,isla markaana ku amaanay sida ay uga hortageen falal amniga darro oo ka dhici lahaa Magaalada,kuwaasi oo uu xusay inay geysan lahaayeen Khasaaro kala duwan oo soo gaari lahaa Shacabka.

“Runtii waan bogaadinayaa Ciidamada Amniga oo fuliyey howlgallo joogta ah,iyaga oo garab ka helayay shacabka Muqdisho,waxaana ay ka hortageen khasaaro ay geysan lahaayeen Al-Shabaab,waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sugida amniga ayuu yiri duqa Muqdisho.

Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir 30-kii Bishii Maarso ee Sanadkan uu ku dhawaaqay howlgal culus ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay howlgallo joogto ah ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this