Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo heshiis Cajiib ah la galay Beesha Biyamaal (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay heshiis muhiim ah la galeen beesha Biyamaal oo degta deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Beesha Biyamaal iyo Ururka Al Shabaab ayaa ka heshiiyay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, dagaaladaasi oo hub ay ku kala qabsadeen labada dhinac.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay heshiiskaasi inuu ahaa mid labada dhinac ay gaareen, waxaana kamid ah in beesha Biyamaal ay ciidamadeeda kala soo baxdo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ku dhawad 200 oo qori ku wareejiyaan Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka lagu baahiyay baraha Al Shabaab wararkooda lagu faafiyo.

Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ciidamada beeshooda ah ka saaraan safka hore ee Ciidamada AMISOM.

Al Shabaab ayaa dhankooda balan qaaday inay Beesha Biyamaal u celin doonaan dhamaan waxii hanti ahaa ee laga qaatay beesha intii ay socdeen dagaalada ka dhacayay deegaanada Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose ugu magacaaban Al Shabaab ayaa sheegay inay ka dalbanayaan beelaha Soomaaliyeed inay ku biiraan dhanka Al Shabaab islamarkaana heshiisyadaasi oo kale la galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this