Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Caa’isho Yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo heystay rag ku eedeysan Kufsihii iyo Dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maanta oo loo ballansanaa in dacwaddaasi lagu qaado goob fagaare ah oo ay ku suganaayeen boqolaal dadweyne ah ayaa Qareenada difaacayay raggaasi waxa ay maxkamadda ka codsadeen in la siiyo waqti kale, si ay u soo dhameystiraan xogaha ay isku difaaci karaan..

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee G/Nugaal ayaa dhankiisa sheegay in dhageysiga dacwaddan markale  la’iskuugu soo laaban doono Sabtida soo socota.

Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Kufsigii iyo Dilkii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir.

Waxayna maxkamadeytan ku soo beegmeysaa, xilli Ehellada gabadhaasi yar ay isaga guureen magaalada Gaalkacyo, iyagoo miciin biday in ay deegaameystaan magaalooyin ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this