Deeq A. Posted May 3, 2019 Muqdisho (SMN):–Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan oo laga sameeyay degmadda jannaale lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha. Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay xubin muhiim ah. ‘’Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shabab’’ ayaa lagu yiri Qoraalka NISA. Ma’ahan markii ugu horeesay ee ay Hay’ada NISA shaaciso in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka tirsan al-shabab. Inkastoo aysan Hay’adda NISA shaacin Magaca Xubintan Alshabaab, ayaa inta badan Ciidamada Nabadsugidu waxaa ay sheegaan in ay soo qabteen Saraakiil Muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites