Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in howlgal  ciidamada amniga ay sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al Shabaabnimo.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen nin xogtiisa la hayay oo ay tilmaamtay in uu ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne.

Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay kadib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda.

Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al Shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaas oo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan,iyagoo Hay’adaha amniga kala xiriiri kara numbarka gaaban ee 991.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this