Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen M/Muqdisho.

Howlgalka oo ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ninkan oo lagu eedeeyay dilal ka dhacay caasimadda.

Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in ninkani Al Shabaab uu uga howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin  Amniyaatka Al Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay ayuu lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Qoraalka ay soo saartay hay’adda nabad sugida Soomaaliya, laguma shaacin magaca eedeysanaha la soo qabtay.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe Ciidamada dowladdu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadeen guud ahaan G/Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this