Sign in to follow this  
Deeq A.

Yemen: Cududda ugu adag Xuutiyiintu waxay soo martaa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka badda dalka Yemen S/Gaas Khaalid Al-Qamli, ayaa sheegay in muhaajiriinta ka imaanayaa Geeska Afrika ee gelaya waddanka Yemen  ay sal u yihiin, xasilooni la’aanta iyo dagaallada joogtada ah ee ka socda dalkaasi.

Bayaan uu shalay soo saaray oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha gudaha yemen, ayuu ku sheegay in tahriibayaasha u badan qowmiyadda Oromada ee ka imaanaya Ethiopia soona mara gudaha Soomaaliya , ay askar ahaan u adeegsadan malayshiyaadka Xuutiyiinta ee la’dagaallama ciidamada Yemen iyo xulafadooda.

Sarreeye Gaas Al-Qamli ayaa intaasi raaciyay, in soogalooti aad u badan oo markii hore tahriib ahaan ku yimid dalka Yemen, ay haatan cudud adag u yihiin malayshiyaadka Xuutiyiinta, isagoo ka digay in kooxda ay sii xoogaysanayso markii tahriibtu xoogaysataba.

Sidoo kale, waxaa uu dalbaday in ciidankiisa laga taageero dhinacyada agabka iyo gaadiidka badda, si ay ula tacaalan qul-qulka muhaajiriinta ka imaanaya waddanka Ethiopia ee ku biiraya kooxaha Xuutiyiinta, ka hor inta aysan noqon guutooyin ka horjeeda ciidamada Yemen.

PUNTLAND POST

The post Yemen: Cududda ugu adag Xuutiyiintu waxay soo martaa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this