Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo Puntland ka caawinaysa tababarka hay’adaha amniga

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190424_054457_297.jpg?w=1000&ssl=1Deni iyo Nasar

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa shalay galab magaalada Nairobi ee dalkaasi kulan kula qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambasador Maxamed Ibraahim Nasar.

Kulanka madaxweynaha Puntland iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin adkaynta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Puntland iyo dalka Masar ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo Tayaynta Hay’addaha Amniga Puntland.

Danjiraha dalka Masar ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Nasar oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa xaqiijiyey inay dhankooda diyaar u yihiin adkaynta, dardargelinta iyo ka *****nta wadashaynta muhiim ka ah ee ka dhexaysa Puntland iyo dalkiisa, waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo dalka Masar lahayeen, haddana leeyihiin xidhiidh wada-shaqayneed oo ay bud-dhig u yihiin ganacsiga iyo waxbarashada.

Madaxweyne Deni ayaa isna  kulankani xoogga ku saaray arrimaha kor ku xusan, kuwaasi oo muhiim u ah dhan-walba shacabka Puntland iyo dowladdoodaba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Deni ayaa xusay in safiirka dalka Masar ay ka wada-hadleen, sidii gacan buuxda Puntland uga siinlahaayeen, tayaynta garsoorka Puntland iyo tababarka hay’addaha amniga, maadaama siyaasadda koowaad iyo labaadba ee dowladdu tahay arrimaha Amniga.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo Puntland ka caawinaysa tababarka hay’adaha amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this