Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo C/qaasim Salaad Xasan (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan oo muddooyinii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Masar.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar.

Sidaan oo kale markii hore markii ay ku kulmeen magaalada Qaahira, waxaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay C/qaasim Salaad Xasan oo ku baaqayay xiligaasi in laga wada shaqeeyo danta ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya iyadoo culees badan uu heysto dowladda madaxweyne Farmaajo oo aad mucaaradka ay ku dhaliilayaan habka dhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay.

1-79.jpg 2-76.jpg 3-71.jpg 4-55.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Masar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this