Sign in to follow this  
Zaylici

wadasheekaysigii Fakhri iyo Dagaal iyo Jecaylkii Shaahkarisida

Recommended Posts

Zaylici   

Wadasheekaysigii Fakhri iyo Dagaal

Samatalis Xussein Xayle

Friday, September 16, 2005

 

Sheekadaan soo socota waxay ku salaysan tahay cilmi baaris( iyo qiso run ah) dhowaan daabacay, cilmi baarintaan oo af-ingiriisi ku qoran halkaan ka fiiri; (http://www.markacadeey.com/maqaalo/maqaal_samatalis_20050911.htm.)

 

Sheekadan, laakiin, waa qayaali, naxurkeeduse waa cilmi iyo wax anfac leh.

 

Waayihii dagaalada socdeen waxaan u dhexeeyay Xamar iyo Kismaayo, waagaas wax camal ah ma haynin, reerkaygu waxay ahaayeen sabool aanan awoodin in ay iga bixiyaan lacagta iskoolka, sidaa darteed, iskool ma aadi jirin; marka, waxaan fariisan jiray subax iyo galabba meel shaah lagu kariyo, halkaas ayaana wakhtiga ku dhamasayn jiray, bacdi sidii aan saas u ahaa, ayaa waxaan jeclaaday gabadh shaah karin jirtay, oo hadda, sida la ii sheegay, ku nool qaaradda Yurub, ayadana sidaas oo kale ayay ii jeclaatay, waa sidaan gadaal dambe ka ogadaye; muddo ka dib waan isku dan sheeganay, waana is fahanay, waxaan bilaabay, bacdmaa aan shaqo la’aan ahaa, in aan la shaqeeyo, oo aan shaaho la kariyo lana qabto wixii kale oo ay u buaahantahay si aan quutul-yoonka ula soo baxno. Ayadoo xaal saas yahay, ayaan maalin maalmaha ka mid ah, waxaan arkay labo nin oo ilaahay haybad u dhaliyay, oo wada shakeesanaaya, bacdi labadii nin waa nagu soo leexdeen, waxay dhaheen Buushka( waa meeshii aan shaaha ku karin jirnaye) in loo faaruqeeyo ayaan rabnaa, showr aan maanta qabnaaye. Marxaba aan dhahnay, laakiin lacag dheereed ah ayaad bixinaysiin, waxba kama qabno, ayay dhaheen, soo dhawaada, aan dhahnay. Labdaii nin waxay bilaabeen in ay fariistaan oo ay shaah cabaan, bacdina ay sheeko iyo waayo waayo ay galaan, labada nin, hadaan gadaal dambe ka fikiray, waxay iila muuqdeen labo nin oo xabiib ahaan jiray oo muddo dheer kala maqnaa; sheekadii markii ay sii wateen, ayaan waxaan aad ulaha dhacay waxay ka hadlaayeen, meeshaan waxaan rabaa inaan ku soo bandhigo waxii ay ku hadleen intii aan ka xasuusto; sheekadooda waxay ahayd sheeko ayaga kawayn oo dad badan oo Soomaali ah samaamaynaysay: waa tan sheekadii.

Labadaan nin waxay iskugu wacaayeen Dagaal iyo Fakhri;

Dagaalow( D) Saaxiibkaygiyow, waad ogtahay in aan abaal badan kuu galay

Fakhri( F); Saaxiibkaygiyow, waan ilow badanahay, oo aduunyo waa xumaatay, marka i xusuusi bal abaalkii aad ii gashay, xumaanna ha u qaadan

D waxba kama qabo, ee, een, waad lo socotaa, ayaan filayaa, in aan dalkan burburiyay, oo dadkii kala burshay, oo xataa, ilaa yowminaa hadaa waxaa jira dad iga carararaaya oo badahaas ku maanshooba

F waa runtaa

D ninyahow marka dhibaato badan ayaan dhaliyay

F waa runtaa

D Haddana waxaan jeclahay in sidaan wax ahaadaan

F makula yaabaayo, nin dantiisa yaqaan ayaad tahay

D waa sidaas

D seddex qolo ayaa laakiin fara kulul igu haaya, oo run ahaantii raba in ay iga takhalusaan

F bal ii kala sheeg

D Marxabba

D kuw ahore waa Soomaalida qurbo jooga ah, waxaa la iisheegay in ay rabaan in ay soo noqdaan, laakiin angia arintaas ma ogili, maxaa dhacay dheh, waxaan akhbaar ku helay, in kastoo aan khaldanaan karo, in ay wax soo barteen waxna soo fahmeen, sidoo kale waxay haystaan lacag marka ganacsiyo iyo iskoolo iyo waxaaas ayaa laga yaabaa in ay furaan.

F waa gartay

D bacdina waad fahmi kartaaa waxa arintaas ka dhalan kara; waxaa dhaci karta in ay iskoolo furaan, oo ganacsiyo furaan, oo bacdi waxbarasho iyo shaqooyin abuuraan, arintaan haddii ay dhacdo, waxaan u badinaayaa ina ay naga duufsanayaan dhalinyaradii noo dagaalami lahayd

F waa arin aad iyo aad u macquul ah

D war haddii anaga dadkii noo shaqayn lahaa ay shaqo kale helaan, shaqadaas oo aan halis ahayn, ama iskoolo iyo buug qaadasho bilaabaan, oo ay hawo gasho, sidaa guur, ilaahay haddii uu kuu idmaayay, guri iyo mustaqbal, waxaas haddii ay ka fekiraan, yaa noo shaqaynaaya oo shaqeedeena halista ah oo aan mustaqbalka lahayn, yaa qabanaaya, anaga ma dabaal ayay na moodeen, mo ogalaanayno in ay soo laabtaan, sida kaliya oo aan ku xaqiijin karno, in aysan soo laabanna waa in aan amaan darada sii wadnaa , ilaah baa nalehe.

F walaahi, waa arin fiican, amaan darada sii wad, meel amaan xumo ka jirto ma imaanaayaan, waxay leeyihiin oo kaliya, “marka ay nabad dhacdo ayaan soo laabanaynaa†iyo wax saas oo kale ah

D nabad ma imaanayso inta aan noolahay, xoogaa laakiin waa duqoobay, marka maalin walba dagaal ma kacin karo, laakiin cabaar markii la joogaba, hadii ilaahay yiraa, mid baan kicinaa, bacdi idaacaahaa ayaa laga sheegaa, bacdi waxay leeyihiin meeshii dagaal ayaa ka jira, mana soo laabanayaan.

F qorshe xun ma aha, midda labaad, oo aad necebtahay, ii sheeg, ilayn seddex ayaan isku ogayne in aad necebtahay

D shisheeyaha waaye qolada labaad, waxaa la ii sheegay, xaqiiqatan aniguba aan arkay, in ay sameeyaan waxyaalo aad u xunxun, oo aniga iyo adigaba aanan dan noo jirin; mashaariic horayumarineed aan samaynaynaa ay ku leeyihiin, heye, kanaalo ayaan dhisaynaa ay ku leeyihiin si beeriha loo qoto, haye, waxay leeyhiin, oo ba ka sii daran, iskooladii ayaan furaynaa, anigu waaba yaabay, waxaan is iri, war nimankaan, waa Soomaalida qorbo jooga ah iyo shisheeyaha ma isku waxyodaan, hal wax ayay rabaan: waxay rabaan in ay dhalinyaradaan naga mashquuliyaan; sidaa darteed, ma ogaalan karo in ay soo laabtaan oo mashaariicdooda qurunka ah bilaabaan, walaahi waaba la igu kacaa, marka aan maqlo horay umarin, iyo sheeko sheekadaas, aniga iyo adiguba horayumar ma ogalin, Soo sax ma ah, saaxiib

F run ayaad ku sheegtay, haddaan ogaalano waxaa na badalayaa nabad iyo barwaaqo, fakhri iyo dagaalna waa dhimanaayaan, waxaas yaa ogaaln kara

D Marka, widaayow, shisheeyaha, waan laynanaynaa, waan qafaalanaynaa, wax alaala iyo wixii aan samayn karno ayaan samaynaynaa, si aan u hubino in aysan soo laaban.

F waa fikrad fiican, laguma eedayn karo, waayo danahaaga ayaad ilaashanaysaa

F midda seddexaad

D Saaxiib, sidaa aad la socotid, anaga horayumarka ma ogoli, marka aan wayraxo waxaan caan ku ahay wax burburinta, waxaan burburiyaaa, bilmatalan, guryaha, cusbitaalada,iskoolada, xafiisyada Dowladda, warshadaha, dekadaha, airporyada iyo waxwalba, wax aan dhaafo ma jiraan.

F saxiib taas been kuma sheegin, anaa markhaati kaaga ah.

D sow ma garan, waxaa kaleeto oo aan kala eryaa booliska iyo maxkamadaha, iyo xataa dadka waalan magaalada ayaan u ku sii dayaa, bacdi nin waalan oo qori iyo madfac wata, oo boolis iyo maxkamad iyo gaalshire aan ka cabsanayn, oo waali u dheertahay iyo maskax faluuq, waad garan kartaa waxa uu samaynaayo.

F sharku cowdu bilaah

D waa sidaas, waxba ma dhaafaayaan.

D, saaxiib, laakiin waxaa jira kuwo aanan qorba jooga ahayn oo dalka jooga oo maalin walba raba ina ay iga takhulusaan, ama marka aan wayraxo i qabqabta, kuwaan ayaa I dhibay, haa

F kuwaan kuma jecla, oo xaasid ayay kugu yihiin, sida aan maqlay, laakiin waxba kaama qaadi karaan, sidaa aan ka arkay, waa qayliyaan oo kaliya, markaas ayaa waxaad u qabtaa, marka hore, nin xoog leh oo wayraxay, marka aad bururkooda iyo wayraxooda aragtid, marka saad isku leedahay, hadda ayay ku soo galaayaan, oo aad difaac ugu jirto, ayaad waxaad arkee mid walba oo ayaga ka mid ah oo gurigiisa iska aaday; war aaway, aad leedahay, dadkii weerarka soo qaadi lahaa, waaba meel lagu kala tagay, marka saaxiib kuwaan waa bartay, marka kuwaan waxaa li yiraa towtowlayaal aa la dhahaa, oo waxaa ka mid ah, kuwaan la yiraa xuquuqul insaanka, iyo bulshada riyadka iyo aqoonayahada, beesha caalamka iyo waxyaabahaas, waa iska qayliyaan, kurbana waana galiyaam, laakiin, waxaan baranay in ay afka kaliya ka tahay.

D waxaan u fahmay, warkooda gacan kuma xigto

F mayya, maya, dagaalow, walaalkaygiyow, aadaa waxaagu gacan yihiin, adigu ma qaylisid marka aad wayraxdid, yadda ayaad ka hadahsaa, saas ayaan kugu jeclahay

D arintaas caan ayaan ku ahay, sida aan maqlay

F waa saas

F Marka, saaxiib, waxaa kaleetoo jira, een een, in aad aniga, fakhri ah, aad abaal ii gashay, oo dadkii fakhriga ahaa waad badisay, dadka fakhriga ah maanta, ma sha’alaah, aad iyo aad ayay u badan yihiin.

D inkastoo aysan fiicnayn, in banii’aadamka lagu degto, haddana aad bay ii farax galinaysaa in aan dowr wayn ka cayaaro wanaagaaga,

F saxiib jira ayaad tahay,

D Marxabba

F bacdii markii aad na badisay, anagana waxaan garanay in aan kuu abaal gudno

D dad qiima leh ayaad tihiin

F saxiib haddii aan fakhri ahay waxaan nolosha aan ku dhibaa dadka saboolka ah

D la yaab ma leh, howlahaagii ayaad ku jirtaa, in aad badatid ayaad rabtaa oo aadan dabar go’in, marka howlahaaga waan fahmi karnaa

F waa sax

F markaas ayay qoyayska fakhraga ah waxay cadaadis ku saaraan wiilashooda sidii loo soo heli lahaa wax caloosha la galiyo; waxay leeyihiin, oo aniguba aan maqlay; war waan ku soo kurinay, orod oo wax la cuno noo keen, gabdhahana, saas ayaa lagu dhahaa, laakiin dagaalow waxaad jeceshay wiilasha,

D waa runtaa, sida aad araktayba, aniga wiilsha da’da yar ayaa ii shaqeeya, gabadhaha ma jecli.

F waa saas, wiilsha markii saas lagu dhaho, kurbo ayaa galaysa,

D waa wax dabiici ay in ay kurboodaan

F marka waxay leeyihiin, waxwalba waan samaynaynaa, sidii aan waalidkeen raashin iyo dhar aan ugu keeni lahayn

D xaq ayay u leeyihiin in ay saas dhahaan

F laakiin, dagaalow, shaqo aad iyo aad ayay u adagtahay in ay helaan, maxaa dhacay dheh shaqooyinkii adaa eryay diidana in ay soo laabtaan, maadaama dagaal la soo taagantahy

D waa runtaa, mana ogoli in dadkii iyo hantidii baxday in ay soo laabtaan, maxaa dhacay dheh, haddii ay soo laabtaan oo ganacsi iyo warshado ay furaan, dhalinyarda shaqadayda ma lagu soo karaayo, waxay leeyhiin, war maxaan ku falaynaa shaqadaada qurunka ah, oo halista ah, oo aan mustaqbalka lahayn, maan u shaqo doonano warshadaha iyo ganacsiyadaan hadda la furay, markaasaa howo ayaa galaysa, aroos, guri iyo, haye hee, mustaqbal waxaas ay bilabayaan in ay ka fekiraan; marka saaxiib ma isbiimeeyaa, oo ma ogaladaa in dadka raba in ay I dilaan in ay soo laabtaan? Ma ogalaanaayi, waa ogahay, waxa ay necebyihiin, waxay necebyihiin nabadgalyo daro iyo dagaal, marka aniga dagaal lee aan aburaa, bacdi ma soo laabanaayaan waligood, haa saas ayaan samaynaayaa;

F marka dhalinyardii haddii aysan shaqo haysan, dagaalow, ma ku huraanyaan

D waa sax, in kastoo ay tahay wax laga xumaado, haddana dan ayaa igu kalifaysa, maxaa dhacay dheh, aniga sidaa aad lo socotidba, howshayda dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku badan, waxaa kaleeto ku badan dadka marka ay cabaar joogaanba igu sanifaaya, oo bacdi iska baxaaya, marka si aan howshayda u wato waxaan u baahanahay dad fara badan o shaqadayda raba in ay qabtaan si markii mid u baxaba( ama uu dhinto, dhawaacmo ama uu isanifo) waxaan rabaa mid kale oo miishiisa aan ku badalo . Shaqaala diyaar ahna ma heli karo haddii dadkii ii shaqayn lahaa ay fursado kale ay haystaan; marka waa inaan xaqiijiyaa in aysan jirin fursado kale oo aan tayda ahayn, qaabka ugu fudud oo aan taas ku xaqiijin karana waa in aan xoojiyaa nabad la’aanta guud si dalka, si dalka sida maanta uu yahay uu u sii ahaado.

D Marka fakhriyow, haddi dadkii ku wiiqi lahaa aan kaa eryay, adna dadka aad dhibaatada ku badasid sidii ay shaqo iigu soo raadsanlahaayeen, waxay iila muuqataa in aan nahay dad tol iyo qaraaba ah

F Waa runtaa

D waliba hadda ka dib waa in aan saaxiibnimadeena aan xoojinaa oo aan cishow milic naqonaa

D waa saas saaxiib, keen gacanta( waa la is gacan qaaday oo bacdi waala is mucaanaqeeyay) qosol,Qax, qax, qax, qax,

F qosol,Qax, qax, qax, qax.

D war nin yahow waa waqti dambee, marka sidaas iyo nooli ku lantay

F I laa laaqin aakhar( ow afcarabi ku dhahay, macneedu yahay, kulan dambe)

D Waas saas saboolow

F Waayahay, dagaalow

Lacagtii shaaha ay bixiyeen bacdina waa mirqeen ayagoo sii balamaaya oo siii waramaaya oo gacmaha taagtaagaaya sharaxaad iyo farxad daraadeed, ayaa iigu dambeeysay. Dhamaad

 

 

Qoraaga markii qormadaan uu dhameeyay ayaa waxaa ku soo dhacay arimahaan soo socda

Dhalinyada u dhexeeysa 12 ilaa 22 jir, ayaa ah kuwa ugu badan ee ka qayb qaata dagaalda, qoladan, nasiib daro, ma haystaan shaqooyin, ama iskoolo ay isku mashquuliyaan, sidaa darteed rajo badan kama qabaan mustaqbalka, la yaab ma leh marka in shaqo walba oo banaan in ay qabtaan, bacdamaa ay u baahanyihiin wax ay caloosha galiyaan, qoyskoodana ku caawiyaan; shaqoooyinka yaala ee looga baahanyahay waxaa ka mid ah shaqada dagaalka; shuyuukhda dagaalka aad ayay u jecel yihiin in ay shaqaalo ka qortaan.

Waxaan fiicnaan lahayd, si dagaalka uu waayo shaqaale, in la soo tarxiilo hantida taala Kenya iyo Imaaradka Carabta oo ay Soomaalidu leadahay, si shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada, ganacsatadana ay u maalaystaan, dawladii markaas jirtana ay u hesho meel ay canshuur ka urursato, si ay amaanka dalka u sugto, laakiin, tan ma suurta galayso nabad galyo la’aanta awgeed: meel bariba dagaal ka dhico karo, dadka badankiis ganacsi maka bilaabaayaan, sidaa darteed, waa in dagaalka uu marka hore istaagaa, si hantida iyo baniiaadamkii dalka katagtay dib loogu soo celiyo. Sidii arintan lagu gaari lahaa, qormada soo socota ayaan ugu hadlaynaa;

Laakiin xiliga dhow maxaa la samaynkaraa, ayaa ah su’aal haboon ah.

Bacdamaa ay adagtahay in shaqooyin la furo, waxaa la furi karaa iskoolo, sababaha soo socda awgood; 1) arintaan wax la’aan ayay dhaantaa, 2) dhalanyaradii dagaalami lahayd waa mashquulaayaan;

3)shuyuukhda dagaalka waxaa ku adkaanaysa in ay helaan dad u dagaalama, bacdamaa dadkii u dagaalami lahaa ay qarkood ku mashquulsan yihiin waxbarasho; 4) dhalinyarada haddii ay wax bartaan dhaqankooda ayaa isbadalaaya; dad fiican ayay u badantahay in ay noqdaan.

Sidee bacdi iskoolo lagu samaynkaraa

1- waxaa la bilaabi karaa iskaashi dhex mara dadka toolooyinka, dagmooyinka dagan, qurba jooga Soomaaliyeed iyo dadka shisheeye ee wanaagga jecel, seddxdan kooxood waxay abuuri karaan sidii loo furi lahaa iskoolo dadka danta yar, oo loo badan yahay, siiya fursad ilmahooda ay wax ku bartaan

2- arinta iskaashiga u dhexeeya shisheeyaha, Soomalaida gudaha iyo kuw dibadda ma aha arin cusub; tusaale, gobalada Buntland hadda, waxaa ka socda qorsho lagu doonaayo in Iskoolada lagu badiyo, arintan shisheeye, wanaag doon ah, iyo maamulka gobolka ayaa iska kaashaday, aad ayay u fiicnaan lahayd, in qurbo jooga Soomaaliyeed ay aritnan taageeraan si barnaamijkan uu u guulaysto; sidoo kale, waxaa la ii sheegay, In kanal biyaha celiya ee Jawhar, ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, in ay iska kaashadeen dadka gobolka iyo hay’ado shisheeye, kanaalkan waxuu ku kukacay aduunyo dhan malyuun dollar, lacagtaan waxaa bixiayay shihseeye iyo dadka gobolka. Gobolo kale oo fara badan ayaa jira oo arimahan oo kale ay ka socdaan, sida Dhuuse Mareeb, Caasimadda gobolka Galgaduud iyo meelo kale oo farabadan; marka waxaan muxtaaj u nahay in qorshayaasha noocan ah la badiyo, lana xoojiyo kuwa socda si loo wiiqo dagaalka, Nabadda iyo barwaaqada iyo horayumarkana gacan loo siiyo. Waa dhamaatay.

 

Samatalis Xayle

Waxaa uu ka qalin jabiayy, Jaamacadda Minnisota, ee Dalka Maraykanka, asagoo bartay Culuumta Bulshada iyo Falsafadda

Kala xiriir: haille60@yahoo.com ama hail0029@umn.edu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this