Sign in to follow this  
Deeq A.

Howgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ka socda G/ Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Taliye ku xigeenka guutada shanaad ee Ciidanka Xoogga dalka qeybta Hiiraan Maxamed Cabdi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgallo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilowdeen gobolkaasi.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in u jeedka howlgallada ay yihiin, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee G/Hiiraan.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan dhammaan deegaanada HirShabelle in ay Ciidamadu ku gacan siiyaan dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Al Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli ku xoogan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this