Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar ka soo baxaaya u jeedada safarkii wasiirka arimaha dibada ee Eriteriya oo aan saxaafada loo sheegin

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo ka soo baxaaya safarkii wasiirka arimaha dibada ee dalka Eriteriya Osman Salah Mohammed ee todobaadkani Somaliland socdaalka ku yimid , ayaa sheegaaya in uu socdaalkiisaasi uu ku lug lahaa isku dayo hore oo ay dawlada Itoobiya ku fashilantay oo khuseeyay sidii madaxweynaha Somaliya loo keeni lahaa magaalada Hargeysa.

Socdaalkani oo ay si fiican dawlada Itoobiya ula socotay isla markaasina ay doonayso sidii dalab culus oo uga yimid Farmaajo loo fulin lahaa taasi oo uu hore ugu fashilmay Abi Axmed.

1552928204504_53604798_2079560682157774_

Hadaba wasiirka dawlada Eriteriya mudane Osman Salah Mohammed, oo safarkiisa uu Adis Ababa kaga soo kicitimay uu ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal oo isagu waftiga wasiirka ka soo raacay magaalada Adis Ababa oo ay markii hore wasiirka Eriteriya uu ku sii sugnaa, ayaa u qorshaha uu hada ula yimid Muuse Biixi ahaa in arinta wada hadalada ee Somaliya iyo Somaliland laga saaro in ay beesha caalmaku soo dhex gasho taasi oo Farmaajo u diiday joog iyo jiif isla markaasina ay arintooda xaliyaan wadamada gobolku oo ayna wehelinin bulshada caalamku isla markaasina gogosha ugu horaysa ee Farmaajo iyo Muuse Biixi gogoshooda ugu horaysa la dhigo dalka Eriteriya ama Itoobiya.

Lama oga in uu ilaa hada Muuse Biixi aqbalay in beesha caalmka laga dhex saaro wada hadalada Somaliland iyo Somaliya lakiin wararku waxa ay xaqiijinayaan in uu Muuse Biixi ogolaaday in ay Farmaajo kulan ku yeeshaan wadamada dariska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this